Jump to content

Jabuuti

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Jamhuuriyada Jabuuti)
Jamhuuriyadda Jabuuti
Hal ku dheg: "Unité, Égalité, Paix" (Af-Faransiis)
"Midnimo, Sinnaan, Nabad"
Heesta qaranka: Jabuuti
Location of Djibouti
Magaalo madax
Waa Magaalada ugu balaaran
Jabuuti
11°36′N 43°10′E / 11.600°N 43.167°E / 11.600; 43.167
Luqadaha rasmiga ah
Luqad loo aqoonsaday dalka
Xukunka
 -  Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle
 -  Ra'iisul wasaaraha Abdoulkader Kamil Mohamed
Ka xoroobey
 -  Gumeystihii Faransiiska 27 Juun 1977[1] 
Baaxad
 -  Guud ahaan 23,200 km2 [1](150th)
8,958 sq mi 
 -  Biyo (%) 0.09 (20 km² / 7.7 sq mi)
Tirada dadka
 -  2013[1] qiyaasta 792,198
 -  Mugga Dadka 37.2/km2 (168th)
96.4/sq mi
Wax soo saar (PPP) 2012 qiyaastii
 -  Guud ahaan $2.379 billion[2]
 -  Qof qof $2,676[2]
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) 2012 estimate
 -  Guud ahaan $1.354 billion[2]
 -  Calaa qof $1,522[2]
Qaybsiga (2009)40.0 (medium)
Kobaca (2011)Management:favri limited liability company Location:muqdisho somali 0.430[3] (low / 165th)
Lacagta Jabuuti Farank DJF (DJF)
Waqtiga EAT (UTC 3)
 -  Xagaa (DST) Wali lama qeexin (UTC 3)
Wadista Baabuurta midig
Thiinada telka 253
Furaha Internetka .dj

Jabuuti (Af Faransiis : Djibouti; Af-Canfari: Gabuuti; Af Carabi : ar‎) loona yaqaan Jamhuuriyada Jabuuti waa dal yar ee ku yaala bariga Geeska Afrika. Jabuuti waxaay xad la leedahay Iritareeya xaga waqooyi, Itoobiya xaga galbeed iyo koonfurba iyo Soomaaliya oo ka xigta koonfurbari. Dhinaca kale Jabuuti waxaa ka xiga Bada cas iyo Gacanka Cadmeed.

Taariikh

Casrigii Wixii Ka Horeeyay Taariikhda

Gobolka Bab-el-Mandb waxaa inta badan loo arkaa in laga gudbayo xuduudaha hore ee hominins-ka ka dib marinka koonfurta xeebta ee Bariga ilaa Koonfurta iyo Koonfur Bari Aasiya.

Biloowgii Casrigii Cusbaa Boobkii Afrika

Jabuuti waxa soo maamuli jiray beelo kala duwan beelahaas oo ahaa Gadabuursi, Ciise iyo Canfar. waxayna ka dagaan koonfurta ay somaalidu dagaan iyo waqooyiga ay canfartu dagto . 1830-ayaa faransiiska waxaa ay qabsatay dhinaca waqooyi ee Jabuuti kadibna waxay kusii fiday dhamaan wadanka intiisa kale, waxa ayna magac uga dhigtay dhulka Soomaalida ee faransiiska gumaysto taasi oo aad ka dareemi kartid in cidda dhulka loogu yimid amma gumaystihii faransiiska waxlasaxeexatay ay ahayd qowmiyada soomaalida ooiyadu hogaanka dhaqan dhaqaaleh ee jiidaas waqtigaa gacanta ku haysay.

Magaalada Jabuuti 1905

100 sano kadib waxaa bilawday dhaqdhaqaaq gumaysi diid ah kaas oo ku fiday dhamaan dalka intiisa kale, waxaa bilawday axsaab u ololaynaysay sidii la,iskaga dulqaadi lahaa heeryada gumaysiga waxaaana ka madax ahaa marxuum maxamuud xarbi oo looyaqaano halyaygii jamhuuriyada Jabuuti isaga oo taariikh wayn ku leh dalka ,waxaa kaloo u soo shahiiday xornimo gaaadhsiinta dalak jabuuti dad fara baddan oo lahaa ama ka soo jeeday dhamaan qabaa ishii Soomaaliyeed ee degenaa. waxa garabsocday halgankaas, jabhado koonfurta wadanka kadagaalami jiray sanadkii 1977 Jabuuti waxay heshay xornimadeedii ay muddo dheer usoo halgantay, waxaa jooga ciidamo faransiis ah oo gaaraya 2000 askari oo loogu talo galay in ay ka difaacaan Itoobiya oo damacsaneed in ay qabsato, waxaa madax wayne kanoqday marxuum Xasan Guuleed Abtidoon.oo looyaqaano aabihii umada Jabuuti, raiisul wasaare ayu u magacaabay marxuum (Axmed Diini Axmed), baarlamanka ayaa isagu ka kooban 61 kursi aw ka koobaadi yahaw madax waynaha, madax waynaha waxaa lasoo doortay 6 diisanbar mar xagga baarlamankana lagasoo doorto 5 tii sanoba mar. muddo kaddib waxaa bilaabmay is afgaranwaa dhinaca Siyaasadda ahaa madaama aw xisbi kalaatahay katalinaayay dalka waa RPP, Koox aw hogaaminayo Axmad diini Axmed ayaa kabilaabay dagaal jabhadayn ah waqooyiga dalka kadib markii la,isku af garan waayay siyaasadda 1991 ayay bilaabeen dagaalka, Dawladda Jabuuti ayaa dhineceeda kawaday wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed waxayna ku guulaysatay sanadkii 1994. Waa wadanka ugu yar Geska Africa waxa madaxwene ka ah Ismacil Cumar Gelle waa run tasi.

Juquraafi

Jabuuti waxee ku taalaa bariga afrika, waxeena xuduud la leedahay, itoobiya,Ereteriya iyo Soomaaliya, iyo bada cas iyo gacanka cadmeed. weeninkeeda waa 23,200 km oo wareeg ah. jabuuti waxee xuduudka ugudheer la leedahay wadanka itoobiya oo dhirirkeeda yahay 349 km, waxaa ku xiga Ereteriya oo ah 109 km waxaa ku siixiga Soomaaliya oo ah 58 km. xeebta jabuuti dhirirkeeda waa 314 km.

Cimilada

Jawiga Jabuuti waxoo u dhaxeeyaa 31 ilaa 100 garaado, waa wadan aad u kulul oo saxaaro leh.

Gobolada Jabuuti

Jabuuti waxaa loo qaybiyaa lix gobol oo maamul ah.

Gobol Magaalo Madax Bed ama baaxad Tirada dadka
1 Gobolka Jabuuti Jabuuti 200 603,000
2 Gobolka Cali Sabiix Cali Sabiix 2,400 93,207
3 Gobolka Carta Carta 1,800 60,966
4 Gobolka Dikhil Dikhil 7,200 99,569
5 Gobolka Tajuura Tajuura 7,100 108,249
6 Gobolka Obokh Obokh 4,700 45,648
Khariidadda Jabuuti

Jasiiradaha

  • Moucha
  • Maskali
  • Abou Maya
  • Ile Warramous
  • Ounda Dabali
  • Kaḏḏa Dâbali
  • Guinni Kôma

Siyaasada

Ismaaciil Cumar Geelle
Assemblée nationale, Guriga umada (baarlamanka)

Wadanka Jabuuti, waa wadan jamhuuriyad ah, waxoona leeyahay,Madaxtooyo iyo baarlamaan. Waxaana madax ka ah, dad soomaaliyeed. Madaxweeynaha wadanka jabuuti, hadda waxaa la dhahaa Ismaaciil Cumar Geelle, oo madaxweyne noqday 1999dii.

Madaxweeynihii labaad Guuleed, waxoo codsiga shacabka reer jabuuti ka helay 100% waxaana codsaday 78.9% shacabka jamhuuriyadda jabuuti.

Xornimada ka hor waxaa madaxweyne ka soo noqday Jaamac Zaylici oo noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee ku matalay umada Jabuuti baaralaamkii midowga faransiiska

baarlamaanka jabuuti waxoo leeyahay 65 xildhibaan, oo la doorto 5tii sano ilaa 9kii sano mar. jabuuti waxaa joogaan, militari ajnabi oo u badan frasiiska iyo mareykanka. oo halkaas ku leh xero militari.

Ciidanka Jabuuti intii xafladdu socotay

Xubin ka ah

Jabuuti waxay xubin ka tahay ururadan hoos ku dhigan:

Ciidanka Xooga

Wadanka jabuuti wuxuu leeyahay ciidanka dhulka, ciidanka badda, iyo ciidanka cirka. Militariga jabuuti waxay gaarayaan, 16,763askari

  • 8,260 waa rag
  • 8,503 waa dumar

Dhaqaalaha

Jabuuti waa wadan yar oo ku yaala jidka ganacsiga. wuxuu la shaqeeyaa wadamada Caalamka dhinaca dhoofinta alaabta iyo dhinaca shidaalka. dekada jabuuti waa dekad aad u camiran. waxaan ognahay in dekedda jabuuti tahay meel ay dawladda Itoobiya wax kala soo degto kana dhoofiso

Lacagta

Sidoo kale fiiri Lacagta Jabuuti

Faranka Jabuuti (Af Faransiis : Djiboutian franc) waa lacagta dowliga ah ee laga isticmaalo wadanka Jabuuti. Lambarka diiwaangelinta caalamiga ah waa ISO 4217, waxaana summad u ah DJF.[4][5]

1000 Jabuuti frank (1977).

Sanadkii 1884 waxaa la aasaasay maamulkii Xeebta Soomaaliyeed ee Faransiis wakhtigaas oo lagu istimaali jirey Lacag Faransiis iyo Lacag Hindi. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 1948 ayaa Jabuuti loo sameeyay lacagta shilinka ah markii ugu horeeysay taasi oo loogu magac-daray "Côte Française des Somalis". Markii wadanka Jabuuti qaatey xoriyada 1977 ayaa dib uhabayn balaadhan lagu sameeyay lacagta wadanka.[6]

Bulshada

Shacabka

Dadka Jabuuti ku nool waxay ka kooban yihiin Soomaali, Canfar, xoogaa Yemeni ah iyo tiro yar oo dad kale ah. waxaa u badan SOMAALIDA 00 ka badan 67% shacabka Jabuuti oo dhan, dadka Cafariga waa 31%, dadka kale oo ka yimaaday wadamada SOMAALIYA Yurubiyaanka iyo carabta iyo wadanka itoobiya neh wee joogaan.

Diinta

Sidoo kale fiiri Markhaatiyaasha Yehowah ee Jabuuti
Maskiit Maxmuudi wuxuu ku yaalaa sben loo yaqaan Plats Rambo (Balaas Raambo). Masjidkii u horeeyey ee dhagax ah ee laga dhiso Jabuuti waxa dhisay Xaaji diide isla kaasi oo loogu magac daray Maxmuudi.

Bulshada ku dhaqan wadanka Jabuuti waxay u badan yihiin diinta Islaamka (94%) iyo diinta Masiixiga (6%).

Luqada

Wadanka Jabuuti waxaa looga hadlaa Afka Faransiiska IYO CARABIGA oo ah luqada rasmiga ee dalka jabuuti.waxaana ku xiga luqada af Soomaaliga iyo Afk Cafariga oo ah luqadaha labaad oo la aqoonsaday.Afka soomaaliga waxaa loo adeegsadaa, heesta calanka jabuuti iyo idaacadaha oo ku baxo sadaxda luqadood iyo af carabi iyo heesaha. waxeena soomaalida jabuuti isku dayaan in ee ku hadlaan afka soomaaliga. Afka faransiiska waxaa loo adeegsadaa tabeelooyinka, elektrooniga iyo waxyaabaha caalamiga, waxaana badanaa wadooyinka looga hadlaa afka faransiiska.luqada afar waxaa loo adeegsadaa idaacadaha, heesaha iyo wixii la mid ah.cafariga jabuuti neh waxee isku dayaan in ee ku hadlaan Afka cafariga.Luqada afka cafariga waxaa looga hadlaa gobolka Cafar oo ku yaalo woqooyiga itoobiya.

Muuqaalo

Sido kale fiiri

Tixraac

  1. 1.0 1.1 1.2 1.3 1.4 "Nuqul Archive". CIA. February 5, 2013. Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Shanaad 4, 2020. Soo qaatay February 26, 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  2. 2.0 2.1 2.2 2.3 . International Monetary Fund http://www.imf.org/external/pubs/ft/weo/2013/01/weodata/weorept.aspx?pr.x=68&pr.y=6&sy=2009&ey=2012&scsm=1&ssd=1&sort=country&ds=.&br=1&c=611&s=NGDPD,NGDPDPC,PPPGDP,PPPPC,LP&grp=0&a=. Soo qaatay 2013-04-17.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. (PDF). HDRO (Human Development Report Office) United Nations Development Programme. pp. 127–130 http://hdr.undp.org/en/media/HDR_2011_EN_Tables.pdf. Soo qaatay March 1, 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. infotech (2003) catalogue World cata
  5. World Reserve Bank
  6. From 1884, when the French Somaliland protectorate was established, the French franc circulated alongside the Indian rupee and the Maria Theresa thaler.